
Wararka naga soo gaaraya magaalada Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaas maxkamad lagu soo taagi doono taliyaashii hore ee ciidanka Boliiska iyo Birmadka maamulka Puntland.
Cabdirisaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow ayaa la sheegaya in ay ku lug lahaayeen falkii lagu dhaawacay wasiirka amnig maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali qarjab.
Baaritaan ay sameeyeen gudi uu magacaabay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayey ku sheegeen in dhacdii lagu dhawaacay wasiirka amniga puntland ay ka dambeeyeen labada taliye ,islamarkaana waxay soo diyaariyeen in maxkamad cidan la geeyo.
Labadan taliye ee xilalkii laga qaaday oo hadda ku sugan magaaladda Boosaaso ayaa la sheegayaa inay weli haystaan ciidamo farabadan oo hubaysan iyo Baabuur tikno ah, kuwasoo aan weli lagu wareejin puntland, lamana oga sida maxkamad ciidan loo horgayn doono.