Garowe: Sarkaal Itoobiyaan ah oo xog ku haysta Guri uu leeyahay duqii hore ee Garowe

Duqii Hore ee Degmada Gaalkacyo Mudane Saciid Cabdi Faarax
Duqii Hore ee Degmada Gaalkacyo Mudane Saciid Cabdi Faarax

Duqii Hore ee Degmada Gaalkacyo Mudane Saciid Cabdi Faarax oo maanta la hadlay Shabakada Badweyn.com ayaa cabasho xoogan ka muujiyay guri ay xoog uga haysato Safaarada Itoobiya ee Puntland degan kaas oo ay diideen inay uga guuraan kadib markii uu u sheegay inay gurigiisa uga baxaan.

Saciid Cabdi Faarax waxaa uu sheegay in Heshiiskoodii hore uu ahaa inay gurigiisa marka ay uga baahdaan uga guuraan ayna diideen hadda, waxaana uu sheegay in guriga aysan ka baxayn inay u sheegeen.

Waxaa uu sheegay Duqii hore in cabasho uu gaarsiiyay dhamaan Hay’adaha sare ee dawladda Puntland ayna wali arrinkaan wax ka qaban waayeen, waxaana uu sheegay in maxkmada ay sheegtay inaan loo yeeri karin Qunsuliyada, balse muwaadinka Soomaaliga ah hadii uu dagaalamo la xiri karo.

”Maxkamadu waxa aay sheegtay inay aniga i xirayso hadii aan dagaalamo, waxaan la iisheegay inaan la xiri karin itoobiyaan ka oo sharciga uusan qabanayn” Ayuu Yiri Saciid Cabdi.

Xigasho: GOOBJOOGE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here