Garowe: Puntland oo Eedeyasay Dowladda Federaalka ah

untitled-1Maamulka Puntland ayaa sheegay in la dhinac maray heshiiskii Madasha ay horay uga gareen arrimaha doorashooyinka.

Puntland ayaa ku tilmaamtay sharci darro go’aankii guddiga doorashadda Dadban ee federaalku ay ku dhawaaqeen in buuxsamay kooramkii xubnaha loo doortay aqalka hoose ee Barlamaanka federaalku , islamarkaana xildhibaanada la doortay ay si deg-deg ah u yimaadaan muqdisho oo ay qaataan shahaadooyinkooda xildhibaanimo.

shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen caasimadda Garoowe, Madaxweyne k/xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi, ayay ku eedeeyeen guddiga doorashada Federaalka inay ku xadgudbeen go’aamadii ay madasha Qaranku ku heshiiyeen. Waxay kaloo ka hadleen doorashadda aqalka sare ee xubnaha goboladda waqooyi.

Halkan ka dhagayso warbixin arintaas ku saabsan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here