Garowe oo maanta si weyn loga ciiday+sawiro

Iyadoo maanta ah ahayd maalinka koowaad ee ciidul fidriga ayaa si isku mid ah looga wada iiday gobolada dalka dhamaan,magaalada Garowe ayaa si aad u weyn looga iiday iyadoo ay dadka isugu soobaxeen fagarayaasha waaween isla markaasna ku tukaday salaada Iidul fidriga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa kumanaan dadweyne kula tukadey Salaada Ciida garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanyaasha aqalka wakiilada ,odayaasha dhaqanka ,qurbajoog ,aqoonyahano ,culimo iyo kumanaan kale oo dadweyne ah isuguna jirey dhalinyaro ,haween yar yar iyo duqeyba iska leh ayaa si wadajir ah ugu tukadey Mire Awaare.

Ka hor Salaada Ciida ayaa khubado kooban madasha laga soo jeediyey oo Culimadu door ku lahayd bilowgii islamarkaasinay ka shekeeyeen fadliga ay lahayd Bishii Ramadan aynu soo dhaagney iyagoona Alle uga baryeyey in Soonka uu ka aqbalo dhamaan umadda Islaamka ah.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa dhankiisa u duceeyey umadda in ilaahay nabada iyo xasiloonida u xoojiyo waxana uu ku booriyey dadka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka nabadgelyadiisa loo xaqiijin lahaa.

Wadooyinka waawey ee magaalada Garowe ayaa dadweyne faro badan iyo gaadiid lagu arkayey iyadoona la is weydaarsanayey ‘’Ciid Wanaagsan’’ ‘’Ciid Mubaarak’’,waxana sidoo kale jirey caruur iyana si qurxoon loogu labisey kuna watey gacmaha qalabka kala duwan ee ciida ku ciyaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here