Garowe: Kursi uu wareejiyay Cabdiweli Gaas oo cabasho laga keenay

Xuquuqda Sawirka Garowe Online
Xuquuqda Sawirka Garowe Online

Garowe, Puntland- Shir ka dhacay magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland, ayaa lagu soo hadal qaaday qaabka uu madaxweyne Gaas ku bixiyay Kursi kamid ah kuwa aqalka Hoose islamarkaasna ay leedahay Beesha Dhulbahante gaar ahaan lafta Hayaag.

Cabdullaahi Axmed Cali (Daba-gooye), boqorka Guud ee Dhulbahante, ayaa madasha ka cadeeyay in Madaxweyne Gaas toos u faro gashaday arrimaha qabaa’il, isagoo intaas ku daray in saxiixiisii la dabo-maray.

Boqorka ayaa xusay in Gaas uu arrintaas kala hadlay, balse badalkeeda u sameeyay ballanqaadyo kala duwan inkastoo uu diiday sada uu hadalka u dhigay.

“Waan kala hadlay Madaxweynaha isagoo Galkacyo jooga, balse wuxuu ii sameeyay ballanqaad isagoo yiri xitaa Wasiir baan ku siin, laakiin waan u sheegay inaan ahayn nin la iibsado, waana u sheegay in dowlado lacag ila dul joogaan hadaan iibsamayana mar hore la i iibsan lahaa,” Sidaasi waxaa yir Boqorka Cabdullaahi Daba-gooye oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe.

large

Dhinaca kale qaar kamid ah cuqaasha Jifida kursiga laga wareejiyay, ayaa codsay in la eego maslaxadda umadda Somaliyeed islarkaana hishiiska madasha aanu ku jirin in xubno la iska wareejiyo ee ay ahayd in la hirgaliyo hishiisyadii madasha oo kaliya.

Guud ahaan Doorashada aqalada Sare iyo Hoose ee ka kala dhacay maamulada dalka Kajira, ayaa waxaa hareeyay Musuqmaasuq baahsan iyo wax is daba marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here