Garoowe oo martigalineysa tartanka cayaaraha gobalada Puntlanda

Jadwalka cayaaraha gobalada ee Puntland oo la soo saaray
Jadwalka cayaaraha gobalada ee Puntland oo la soo saaray

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa lagu sameeyay qori tuurka tartanka kubadda cagta gobalada ee Puntland.

Sidda ku cad jadwalka ka soo baxay qaban qaabiyaasha tartanka, waxaa ka qeybgali doona ilaa 9 gobal oo dhammaan ku yaalla deeganada Puntland.

Wasaaradda ciyaaraha Puntland ayaa soo saartay liiska isku aadka ciyaaraha gobolada Puntland oo la qabandoono bisha 6-aad ee sannadkaan.

Kooxaha ka qeybgalaya tartanka ayaa markii loo qori tuuray waxaa loo qeybiyay labo Group oo kala ah A & B.

Gr0up A-waxaa ku jirra afar gobao oo kala ah:- Sool, Gardafu, Sanaag , Karkaar iyo Haylaan.

Group B- waa afar gobal oo kala ah Bari, Sool, Cayn iyo Mudug.

Wasaaradda cayaaraha Puntland iyo guddiga qabqabaada tartanka ayaa isku raacay in cayaarta koowaad lagu furo gobalada Nugaal iyo Haylaan, waxaana ay ballansan yihiin 10 bisha soo socota haddii eebo weynaha uu yiraahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here