Garoowe City oo gaartay Fiinaalka tartanka Tanzania

Kooxda Garoowe City oo timid Fiinalka
Kooxda Garoowe City oo timid Fiinalka

Kooxda Garoowe City ee ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa gaartay Fiinaalka tartanka kubadda kolayga caasimadaha Afrika ee “Inter City Basket-ball”.

Kooxda ayaa dhammaan cayaarihii ay cayaartay guul gaartay, waxaana cayaartii ugu dambesay ka adkaatay kooxda Mombasa ee dalka Kenya.

Cayaartan oo shaley galab dhacday ayaa waxa ay ku dhammaatay 81 iyo 54 dhibcood, siddaas waxaa sheegay Cabdirashiid Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dari Salaam ee dalka Tanzania.

Kooxda Garoowe City ayaa galabta cayaarta Fiinaalka la cayaari doonta kooxda Qaahira ee dalka Masar.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta dalka Tanzania ayaa si weyn u hadal haya guusha la yaabka ah ee ay gaartay kooxda ka socota dalka Soomaaliya.

Waxaana warbaahinta dalka Tanzania ay lee yihiin waxaa wax lala yaabo ah in in koox ka socota dal burbur ku jiray 23- sanno in ay u soo baxdo cayaarta Fiinaalka.

Waa sannadkii labaad oo kooxo ka socda Soomaaliya ay ka soo qaybgalaan tartanka kubadda kolayga ee caasimadaha Afrika, kaasoo la billaabay sannadkii 1999-kii.

Sannadkii 2009-ka ayey ahayd markii kooxo labo oo ka kala socday magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho.

Tartanka waxaa sannadkan ka qaybgalayay labo koox oo ka socotay Hargeysa iyo Garoowe, kooxda Garoowe billowgii horre ayaa laga adkaaday.

Haddii aan nahay bahda Midnimo.com waxaan u rajeeneynaa kooxda Garoowe City in ay guuleesato koobka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here