Garoonka Lambar 50 Oo Dib U Furmay iyo Maamulka Sh/ Hoose oo kahadlay

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay dib loo furay garoonka diyaaradaha Lambar 50 kaddib markii uu in muda ah uu ahaa Al-Shabaab meel ay ku tababartaan.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya Cabdu Qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlaayay idaacadaha maxaliga ah, ayaa sheegay in markii ugu horreysay dhowr sano kaddib garoonka lambar 50 ay shaley soo caga dhigatay diyaarad u kireesan QM, taasoo magaalada Afgooye iyo deegannada ku dhow geesay gargaar.

Wuxuu sheegay in dhamaan shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose ay arintaasi farxad u tahay maadaama dib loo howlgaliyay garoonka islamarkaana diyaarad waliba ay soo caga dhigan karto.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha sida rakaabka ay kasoo dagi karaan islamarkaana dhawaan dib uhabeyn lagu sameyn doono xafiiskii saadaasha hawada ee garoonka No-50.

Waa markii ugu horreysay ee diyaar ad u kireesan QM ay ka soo degto garoonka lambar 50, oo markii hore ahaa garoon uu ka soo dego qaadka la keeno Soomaaliya, sidoo kale garoonkan waxa uu markii dowladii dhexe ahaa garoon ay isticmaalaan ciidanka xooggan Soomaaliya oo ma ahayn garoon diyaaradaha rayidka ay isticmaalaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here