Garoonka kubadda cagta Kismaayo oo dib loo dhisaayo

Garoonka kubadda cagta Kismaayo oo dib loo dhisaayo
Garoonka kubadda cagta Kismaayo oo dib loo dhisaayo

Sidda ay sheegeen xiriirka kubadda cagta Jubbadda Hoose, waxaa meel gabagabo soo gaaray dhismaha garoonka kubadda cagta ee WAAMO oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Kismaayo, Saciid Biibaaye, oo saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in dhismaha garoonka uu ku dhow yahay dhammaad, sidda ay noo sheegeen ayuu yiri kooxda dhiseesa.

Wuxuu sheegay oo kale in mardhow Kismaayo uu ka billaaban doono horyaalka kubadda cagta ee Jubbada Hoose.

Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay siddii cayaaraha kubadda cagta ee gobalka Jubbada Hoose dib loo soo celin lahaa ,

Dhinaca kale, mudane Saciid Biibaaye ayaa sheegay in shaley Kismaayo uu ka furmay horyaalka kubadda cagta ee heerka laad ee C-da waxaana ka qaybgalaya ilaa siddeed koox.

Kismaayo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ku horreeya cayaaraha dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here