Garoonka kubadda cagta Dhuusamareeb oo dib loo dayactiraayo

Xuquuqda Sawirka RM
Xuquuqda Sawirka RM

Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud waxaa ka billowday mashruuc dib loogu dayactiraayo garoonka kubadda cagta.

Mashruuca dib loogu shisaayo garoonka waxaa iska kaashanaya maamulka Gobalka Galgaduud iyo hey’ad maxali ah oo lagu magacaabo TIIS.

Hey’adda ayaa billaabtay in ay qiimeeyn iyo sahan ku sameeso dib u dhiska garoonka.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo ka hadlay msharuucan ayaa sheegay in mashruucaan dib u dayactirka lagu sameynayo garoonka kubadda cagta, uu qeyb ka yahay qorshe ay maamulka ku doonayaan in dib u dayactir lagu sameeyo goobihii adeegyada guud.

Sidoo kale waxaa ka hadlay musharuucan guddoomiyaha gudigga xiriirka Olombikada ee gobollada dhexe  Cabdrashiid Aadan Rooble oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib u dayactirka garoonka kubadda cagta ku bilawday, isagoo intaa ku daray in garoonka kubadda kolleyga ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

Dhammaan mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dib u dayactirka garoonka, uu wax weyn ka badali doono is dhexgalka bulshadda iyo maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here