Garoonka diyaaradaha Galgaduud oo la dhisaayo

Garoonka diyaaradaha Galgaduud oo dhismihiisa la dhagax-dhigay
Garoonka diyaaradaha Galgaduud oo dhismihiisa la dhagax-dhigay

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galgaduud Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame (Dhaga-weyne) iyo guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee gobolka oo muddo sanado ah aan shaqeyn.

Garoonka gobolka Galgaduud ee Ugaas Nuur oo ku yaalla degmada Dhuusamarreeb ayaa waxaa loo dhisayaa qeybta dadka safraya, xafiisyada socdaalka iyo joogsiyada diyaaradaha, iyadoo mashruuca lagu dhisanaya uu qeyb ka yahay barnaamijka Danguud ee TIS ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka (USAID).

Guddoomiye ku-xigeenka Galgaduud Cabdixakiim Cabdullaahi (Dhaga-weyne) ayaa sheegay in hirgelinta mashruuca uu guul weyn u yahay mujtamaca gobolka, isla markaana ay rajeynayaan in la dhameystiro.

Dhaga-weyne oo ka hadlay qodis lagu sameeyay waddooyin gala garoonka oo dhagaxyo lagala baxay ayaa sheegay in xeyn-daab iyo ilaalo loo sameyn doono, isla markaana tallaabi sharci ah laga qaadi doono ciddii la arko iyadoo qodeysa.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Geedo-qorow oo dhagax-dhigga ka hadlay ayaa u mahad-celiyay dhinacyada gacanta ka geysanaya dhismaha garoonka, isagoo muujiyay inuu ku faraxsan yahay horumarka gobolka ka socda.

Garoonka diyaaradaha gobolka Galgaduud ayaan shaqeyn muddadii 23-ka sano ahayd ee uu dalka ku jiray burburka iyo dagaallada sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here