Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo lagu weeraray madaafiicda Hoobiyaha

Shalay galab ayaa waxaa madaafiicda hoobiyaha lagu weerary garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta usheegay in madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen bartamaha garoonka,halka kuwo kalena ay ku dhaceen hareerihiisa.

Kooxo aan lagaraneen ayaa dhoowr jiho madaafiicda kaga soo tuurayay garoonkan oo ay inta badan adeegsadaan maamulada “Galmudug & Puntland”.

“Dhowr xabo oo madaafiicda hoobiyaha ayaa kusoo dhacday gudaha garoonka,waxaana garoonka kusugnayd diyaarad rakaab ah oo markaa duuli rabtay,sidoo kale qaar kale ayaafadhiyay garoonka iyadoo ay rakaab fuulayeen,majirto cid ay dhibaato kasoo gaartay” sidaa waxaa warbaahinta usheegay goob jooge diiday in magaciisa lasoo xigto.

Waxaa jira tuhun ah in ay ka danbeeyaan maleeshiyo maxali ah oo garoonka daris la ah,maamulayaasha garoonka ayaa warbaahinta usheegay inuu jiro qilaaf soo kala dhexgalay dad kayimid puntland iyo maleeshiyo dagan garoonka agagaarihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here