Garoonka Banaadir Stadium oo loo dhameestiray cows-kii Artifishalka ahaa (Warbixin & Sawirro)

Waxa la soo gabagabeeyay caws-kii la saaray garoonka Banaadir Stadium
ee degmada Cabdul-Casiis ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa hadda lagu daday gabi ahaantii caws-aritifishal ah ama
mid aan rasmi ahayn.

Wariyaal ka tirsan shabakadda Midnimo oo maanta booqday garoonka ayaa
soo arkay in garoonka guud ahaantiis la dhigauy caws, sida roogga oo
kale ah, oo aan ahayn kuwa la beero ama la abuuro.

Garoonka waxa caws-ka saaray khabiir ka socda shirkada dhismaha
garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield kaasoo lagu
magacaabo Mr. Lex Vander.

Markii aan booqanaynay garoonka ayaan waxa halkaas aan kula kulanay
masuuliyiin ka socda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid
Carab oo aan kula kulanay gudaha garoonka ayaa u Shabakadda Midnimo u
sheegay in mashruuca lagu dhigaayo garoonka caws-ka uu qayb ka yahay
barnaamij lagu magacaabo {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya
ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa ee ka faa’iideysanaya.

Wuxuu sheegay in cawska la dhigay garoonka uu jiri karo muddo 12-sano
ah, oo uu lee yahay damaanad qaad buuxda.

Xoghaye Cabdi Qani ayaa sidoo kale sheegay mashruucan la rabay in uu
bilowdo 2010-kii, laakin dagaalo ka socday magaalada, gaar ahaan halka
uu ku yaalo garoonka uu dib u dhac ku keenay.

YAA MAALGALIYAY MASHRUUCAN?

Wuxuu sheegay in mashruucan oo ay maalgalineyso hey’adda kubadda cagta
adduunka ee FIFA, waxana la bilaabay sannadkan 2012-ka.

Garoonka ayaa intii aan joognay waxa ka muuqday burbur ballaaran, waxa
dumay dhammaan dhismaha garoonka uu u baahan dib u dhis ballaaran.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa sheegay in wajiga labaad
ee mashruuca garoonka uu yahay siddii lagu dhisi lahaa dhismooyinka
garoonka, oo ay ku jiraan qolalka ay seexanayaan ciyaartoyda xulka
Soomaaliya.

Xiriirka muxuu isbadal ah oo ku keeni karaa garoonka?

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cali Sciid Guuleed
oo isna ku sugnaa garoonka Banaadir ayaa u sheegay Shabakadda Midnimo,
in garoonka wixii hadda ka dambeeya uu yahay mid diyaar u ah in lagu
qabto cayaaraha caalamiga.

“Wariye wixii hadda ka dambeeyay ma jiri doonta in cayaaraha aan u
aadno wadamo kale sida kuwa Hom-ka oo kale halkan ayaa lagu ciyaari
doonaa, maxaa yeelay waxa la dhisooyaa qolalkii ay seexan lahayeen
cayaartoyda xulka Qaranka, ma jiri doonto in cayaartoyda ay tababaro
ku qaataan waddamada dariska, caraaro caalami haddii ay soo baxaan
halkan ayaa lagu cayaari doonaa” ayuu yiir Cali Saciid Guuleed.

Mr. Lex Vander oo khabiirka howsha garoonka wadda ayaa Midnimo u
sheegay in garoonka hadda in la soo dhameestiray garoonka la
dhigaayay, oo wax yer oo ah koolada lagu dhajinaayo uu u harsan yahay,
wixii hadda ka damba lagu qaban doono cayaaraha caalamiga iyo
horiyaaladda waddanka.

Waxa la siiyay qandaraaska garoonka lagu dhigaayo cowska shirkadda
EMECO oo ah shirkad ka dhisan waddanka.

Waa markii ugu horreysay oo garoomada Soomaaliya la dhigo cowska
macmalka ah ama aan ahayn kuwa rasmiga ee yaalla garoomada caalamiga
adduunka.

Magaalada Muqdisho, waxa ku yaalla labo garoon oo caalami ah, mid ka
mid ah waa Banaadir Stadium halka mid kalena uu yahay Mogadishu
Staduim oo isna ku yaalla degmada Wardhiigeeley, garoonka hadda waa
goob ciidan oo waxa ku sugan ciidanka AMISOM ee howlaha nabad
ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Inta badan dadka odarasa ama la socda ciyaaraha kubadda cagta
Soomaaliya, guul darada soo gaartay kooxda qaranka Soomaaliya, waxa
sabab u ah cayaaryahanka oo aan heesan garoomo uu ku tababarto iyo
isagoo aan aqoon u lahayn garoomada casriga ah ee ay yaallaa cowska
rasmiga ah ama midka aan rasmiga ahayn.

 

 

1 COMMENT

  1. maashaa,alaah waa waxlagu farxo in aan aragno garoomadeenii oo dib uhabeyn lagu sameeynayo waana qof kasto oo soomaali ah loobaahan yalineynahay inuu ka geysto maal iyo muruq waxuu awoodo waana umahadcelineynaa maamulka soomaaliyeed oo gacanta kuhaya shaqadaan waxaanu leenahay guul guuuuuuuuul/////midnimo iyo wada shaqeynwacan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here