Gargaar lagu dhacay Shabeellaha Hoose

imagesWararka naga soo gaaraya deeganka Jannaale ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas lagu dhacay gargaar u kireesnaa barnaamijka cunta adduunka ee WFP.

Gargaarka ayaa la sheegay in ay dhaceen rag ku labisan dharka ciidamada sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Guddoomiyaha degmada Jannaale,Maxamed Idiris oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shegeay in gargaarka ay leexsadeen rag ka watay dharka ciidamada sidda uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la dhaco gar-gaarka loo waday dadka Shabeellaha Hoose ku nool, iyadoo horay loo boobay gargaar ku socday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here