Gargaar Britain uu siiyay Somalia oo ay heshay Al-Shabaab

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ka badan £90million oo Britain gargaar ahaan ay u siisay Soomaaliya muddo sannad ah lagu taageeray ururka Al-Shabaab ee xiriir la leh ee AL Qaeda.

David Cameron ayaa meel mariyay dhaqaale la siiyo dalka ku yaalla geeska Afrika maadama laga cabsi qab in ay noqoto Afghanistan-ka labaad.

Dhawaan ayaa guddi QM u qaabilsan dabagalka hubka ee Soomaaliya, waxa ay sheegeen in saraakiil ka tirsan dowladda in ay hub siiyeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in dhaqaale badan ay ka xadeen hey’adda gargaarka ee ka howgali jiray goobaha ay gacanta ku heyso xilliyadii ay abaarta ka jirtay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here