Garcia oo sheegay Roma in ay soo qaban karto Juventus

Garcia oo sheegay Roma in ay soo qaban karto Juventus
Garcia oo sheegay Roma in ay soo qaban karto Juventus

Rudi Garcia ayaa sheegay in kooxda Roma ay kadaba imaan karto kooxda hoggaanka u heysa horiyaalka Serie A-da ee Juve.

Tababbaraha ayaa daawaday kulankii Juve iyo Inter oo Sabtidii shaley ku dhammaaday 0 iyo 0 sidda uu yiri.

Natiijadaas ayaa ka dhiggan in kooxda Giallorossi hadda hoggaanka looga hayo siddeed dhibcood haddii ka adkaato kooxda AC Milan Axada maanta ah.

“Haddii Juve ay ku guuleesan karto horiyaalka Maanta oo Axad ayaa la arki doonaa, maxaa yeelay waxaa weli harsan cayaaro badan,”ayuu yiri tababbaraha reer France.

Roma ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala horeynta horiyaalka Talyaaniga oo hadda dhowr kulan ay ka harsan yihiin, in kastoo dadka wax saadaaliya ay lee yihiin koobkan waxaa leh kooxda Juve.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here