Ganacsiga Islii oo qarka u saaran inuu xirmo

isliiHoos udhac weyn ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee ka jiray magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii kadib markii Raaf ciidanka Kenya ay ka sameynayeen Xaafadaasi bishii lasoo dhaafay.

Ganacsatada Somaliyeed ee Islii ayaa qaarkood waxay la kulmeen xarig loogeystay waxaana sidoo kale jira Somalidii ka ganacsan jiray oo si sharci la’aan qaar ku joogay halkaasi oo Xabsi la dhigay markii ay raafka qeyb ka noqdeen.

Gudiga Ganacsatada Xaafada Islii ayaa cod dheer waxay ku sheegeen inay hadda dareemayaan hoos udhac ganacsi oo Xaafadaasi soo wajahay iyagoona xitaa tibaaxay in dadkii waddamada Africa qaar ganacsiga uga imaan jiray ay yaraadeen.

“Dukaamada inta badan way xiran yihiin, ganacsatadii lahaydna waxay galeen dadkii howlgallada lagu qab-qabtay, taasoo keentay in dukaammada intooda badan ay xirnaadaan tan iyo billowgii bishii hore ee Abriil,” ayuu yiri Nuur oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dukaammada ku haysta xaafadda Islii.

Ganacsadahan ayaa koox wariyeyaal ah u sheegay inuu isagu haysto sharci uu ku joogo dalka Kenya, balse ay ciidamada ammaanka Kenya xireen, inkastoo ay maalmo kaddib soo daayeen.

“Waan furaa dukaankeyga maalin walba, laakiinse kalyantigii faraha badnaa hadda nooma yimaadaan, waa uun iska furnaa, waana iska xirnaa maqribkii, innagoo aanan waxba iibin, taasina dhibaato weyn ayay nagu tahay ganacsato ahaan,” ayuu Nuur yiri mar kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here