Ganacsiga Baydhabo oo hakad ku yimid kadib markii miino lagu arkay bartamaha magaalada Baydhabo.

Inta badan ganacsiga magaalada Baydhabo ayaa albaabada loo laabay barqanimadii maanta kadib markii la arkay miino taal wadada dhinaceeda.

Miinadan ayaa lagu arkay meel u dhow xarumaha shirkadaha xawaaladaha ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Waxana wararka ay sheegayaan in halkaas ay gaareen qaar katirsan ciidamad Ethiopia iyo kuwa soomaalida ah, waxaana halkaas ka cararay dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa agagaarka shirkadaha xawaaladaha kadib markii ay soo baxeen wararka tilmaamaya miinada la dhigey wadadaas.

Guud ahaan isu socodkii gaadiidka ayaa ka istaagay wadadaas iyadoo lagu amaray dadkana inay isaga fogaadaan.

Ciidamo gaar ah oo ka socda dowlada ayaa la filayaa in ay halkaas gaaran oo ay ka saaraan miinada meesha la dhigey. Waxana ay wararka tilmaamayaan in miinada la dhigey xalay meel u dhow shirkadaha xawaaladaha.

Shalay ayay ahayd markii miino la dhigey suuqa weyn ee magalada Baydhabo ay ku qaraxday dad u badan rayid iyadoo inkabadan toban ruux ay ku dhinteen halka tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.