Ganacsato maanta lagu xir xiray Ceelasha Biyaha

Xarakada Al Shabaab ayaa maanta ku xir xiray deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhawaad 50 ganacsata ah.

Sida ay wararka sheegayaan ka hor inta aanan la xir xirin ganacsatada ayaa waxaa suuqa socod ku maray saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo ku amaray ganacsatada in ay bixiyaan lacago taakulo ah taasi oo ay ka madax adeegeen ganacsatada.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in marki ay ganacsatada diideen lacagaha ay Al Shabaab weydiisteen ay amar ku bixiyeen saraakiisha in lasoo wada xiro ganacsatadaasi, waxaana markiiba bilowday qab qabasho.

Wararka qaar waxay sheegayaan in jir dilo loo geystay qaar badan oo ka mid ah ganacsatada kuwaasi oo iyaga oo dhaawacya qaba lagu xiray saldhiga ay Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceelasha.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay qaata ka taaganyihiin saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo maalmo yar kadib kusoo rogo lacago ay hadba magac usoo baxsadaan sida ay hadalka u dhigeen.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sanadki hore sheegtay in Al Shabaab ay soo food saartay dhaqaalo dari xoog leh kadib marki ay ku jabeen dagaaladi ugu danbeeyey ee Muqdisho ka dhacay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.