Ganacsato lagu xiray magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al Shababa ay saakay ku xireen ilaa iyo 14 ruux oo ganacsata ah.

Ganacsatada la xiray ayaa lagu eedeeyey in ay ka madax adeegeen awaamir sadex maalin ka hor uu maamulka degmada soo saaray kuwaasi oo ay ugu weyneyd in tabeelooyinka ganacsatada ugu qoran irdaha ee afsoomaaliga iyo Ingiriiska lagu badalo qoraalo carabi ah.

Dad goob joog ah ayaa Midnimo.com u sheegay in ganacsatada la xiray albaabada tukaamadooda iyo goobahooda kale ee ganacsi lagu qoray digniino ah in aanan mudo sadex maalin ah la furi karin.

Al Shabab ayaa inta badan deegaanada ay muusho ku amartay ganacsatada in ay boorarkooda xayeysiiska iyo tilmaamaha ku qoraan luqada carabiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.