Ganacsato lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyi

Laba nin oo ganacsato ah ayaa xalay lagu dilay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Ragani oo ay toogteen kooxo ku hubeesnaa hubka fudud ayaa lagu dilay xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada oo ah xaafada ugu qaska badan magaalada gaalkacyo.

Sida ay wararku sheegayaan dilka labadani nin ee ganacsatada ah ayaa loo aaneysanayaa arimo la xiriira aana qabiil.

Taliyaha qeybta booliska ee waqooyiga Gaalkacyo Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay baari doonaan cida ka danbeyso dilka, isaga oo balan qaaday in ay soo qaban doonaan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bishaan Ramadaan gudaheeda lagu dilay dad ka badan 5 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here