Ganacsato Ka Socota Turkiga Oo Maal-gashanaya Somaliland

Ganacsato waa weyn oo ka socota dalka Turkiga ayaa safar sahmin ah ku jooga Somaliland, ganacsatadaan ayaa doonaya ineey Somaliland kabilaabaan barnaamijyo maalgashi ah oo lamid ah kan uu hada Turkiga ka wado muqdisho.

Somaliland, ayaa soo dhaweeysay safarkan iyo qorshaha maal-gashiga Turkiga, iyagoo sheegay ineey tani u gogol xaareeyso xiriir dhinaca Siyaasada ah oo dhexmara labada dhinac.

Bilahaan ugu danbeeyay ayaa Somaliland waxaa si aad ah ugu soo badanayay wufuud ka socotay dalka Turkiga kuwaasoo ujeedooyin kala duwan u imaanayay Somaliland, waxaana todobaadkan halkaas gaaray wafdi ujeedkiisu ahaa sahmin iyo indho indheyn maal-gashi, kuwaasoo kasocday shirkad lagu magacaabo “Tuskan”, taas oo ay xubno kayihiin ganacsato kabadan ila 40,000, iyo 7,000 oo shirkadood oo ay kujiraan 12 shirkadood kuwaasoo ah kuwa ugu waaweyn dalka Turkiga.

Wasiirka ganacsiga ee Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in arintaan muujineeyso sida ay doowlada Turkiga ugu soo jeesatay ineey maal-gashi ku sameeyaan Somaliland, isagoona sharaxaad ka bixinaya ujeedooyinka ay wafdigaan usocdaan yiri:

“Runtii waxay u yimaadeen sahan ay ku eegayaan fursadaha maal-gashi ee dalka kabanaan, amniga, iyo sideeynu wax u wada qabsan lahay”.

Kahor inteeysan maalqabeenadan ka socda Turkiga tagin Somaliland waxaa ka horeeyay martiqaad loo sameeyay rugta ganacsiga Somaliland taas oo ay ku qaabileen dalka Turkiga arintaasina ay u gogol xaartey iney wafdigan Somaliland yimaadaan, ganacsatadan badankooda ayaa ah kuwo ku lug leh maalgashiga iyo kaalmada kala duwan ee loo fidiyo Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada xiligaan ka socda Muqdisho.

Wafdigaan ayaa sheegay in safarkaan safarka xiga ay soo diri doonaan maal-gashadayaal sii raad raaca xogaha uga soo baxay sahmintooda, waxayna sheegeen ineey rajo badan ka qabaan ineey Somaliland ku sameeyaan maal-gashi kabadan kan ay xamar galiyeen.

Wasiirka ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in mashaariic ay Turkiga horay uga fuliyeen Somaliland uu xiligan soo jiitay indhaha maal-gashadayaashan.

Isla shalay waxaa Somaliland gaaray Wafdi Turki ah oo ka socda hay’ada “TIKA” kaas oo usocday mashaariic dhinaca biyaha ah, waxaana xiligaan Somaliland ka socda mashaariic samafal oo kala duwan doowlada Turkigana ay hogaamineeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here