Ganacsatada Islii oo qorsheeynaya banaabax ka dhan ah raratada

isliiBulshada ganacsatada ah ee xaafada Eastleigh magaalada Nairobi ayaa xiray dhamaan suuqyada waaweyn si ay uga mudaaharaadaan raratada qulqulaya ee ku teedsan waddooyinka suuqyada hortiisa.Ganacsatada ayaa sheegay in ay ku hor mudaaharaadi doonaan City Hallka si ay u weydiistaan Guddoomiyaha deegaanka Nairobi Evans Kidero inuu wax ka qabto arintaan ganacsigoodana uga badbaadiyo raratada .Waxay sheegeen in ay xiri doonaan suuqyada maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha toddobaad kasta  islamarkaana ay tagayaan City Hall ilaa ganacsatada raratada aan salka lahayn laga saaro Eastleigh.Ganacsade Idris Ali, oo ah milkiilaha Moonlight Mall, ayaa sheegay in uu waayi doono Sh1 million maalin kasta oo suuqa xiran yahay, laakiin uusan haysan ikhtiyaar kale. Waxa uu sheegay in raratada ay ku hor xireen dukaankooda ilinka laga galo goobtiisa ganacsi.”Waxaa jira burcad kala hagta  ururada raratada ‘halkan Eastleigh. Waxay ururiyaan lacag islamarkaana balanqaada in ay taageeraan raratada.

Madaxda kooxda ayaa had iyo jeer waxay sheegaan inay siiyaan lacag saraakiil sare oo ka tirsan City Hall si ay u ilaaliyaan, “ayuu sheegay Ali.Si kastaba ha ahaatee, City Hall ayaa beeniyay eedeymaha loo heysto, iyagoo sheegay  in saraakiisha  lacag ka ururiyaan kaliya kuwa ganacsiga dhabta ah leh oo soo saaraan ruqsadaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here