Ganacsatada Islii oo qaban qaabinaya Banaan-bax weyn

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Islii, ayaa beri xiri doona dhamaan editor2199255965282478640-598x350Goobaha Ganacsiga, iyadoo laysugu soo bixi doono wadooyinka waaweyn, Ganacsatada ayaa aad uga xun cadaadiska kasoo wajahay Ciidamada Kenya.

Ganacsatada yar yar iyo kuwa Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga Islii, ayaa ku balansan ineey beri sameeyaan isku soo bax weyn oo ay uga cabanayaan qab qabshada iyo Baada joogtada ah ee ay Ciidanka Kenya ku hayaan.

Mr. Hassan Gulled, oo ah madaxa ganacsatada Islii, ayaa sheegay in Ganacsiga yahay mid fadhiya,islamarkaasna dadka wax gadan jiray la qab qabtay qaarkii kalena ay guryaha kasoo bixi la’yihiin.

Dhanka kale Benson Kubui, oo ah madaxa Booliska Kenya, ayaa sheegay inaan lagu soo war gelin banaan-baxa la sheegayo.

“Howlgalka waa sii socon doonaa, mana ogolaan doono wax banaanbax ah” ayuu yiri Benson Kubui.

 

3 COMMENTS

  1. Muhiim maaha in la sameeyo isku soo bax ” Banaanbax” balse waxa wanaagsan in GAnacsatada ama muwaadiniinta Soomalida Kenyan ka ah la shiraaan madaxdooda ama cida wakiilka ka ah ee u fadhida Baarlamka Dalka Kenya…si loo soo afjaro dhibataada meesha ka dhacday. loona sii deeyo muwaadiniinta Soomalida ah ee sida qaladka ama sharci daradda ah loogu heysto xabsiyadda dalka Kenya.. DAd badan oo xanibaad ku timaaday ganacsigooda ayaa ku jira…. marka arintaasi shacabka Soomalida ah iyagoo kaashanaya MP-yadooda ha dareensiiyaan Dowladda Dalka Kenya sida ay uga xun yihiin dhibtaadada u kaliga noqotey muwaadiniinta Soomalida ah..

    Mr Benson Kubui waxaa isaga la hadli karama ama wax u sheegi kara waa wasiirka Difaaca DAlka Kenya ama wasiiradda arimaha dibadda dalkan Kenya. waa iney iyagu kala hadlaan arintaasi oo la soo afjaraa Muwaadiniinta sida sharci daradda ah uGu xirey xabsiyadda kenyana laga sii daayaaa. si markaasi ay howladooda ganacsi ama shaqo u sii wataan..

    Sababtoo ah ma bixin karaan Canshuuraha ay dowladda ka sugeyso hadii aysan shaqeynin..

    Soomalida waxa xil ka saran iney mashquul ku noqon oo kaliyah Ganacsi balse sidoo kale xil ka saran yahay iney ilaashadaan Suuqyadooda una sameystaan ciimaddo boolis ah oo ilaaliya suuqyadda, si fiicana u tababaran. Booliska dalka kenyana arintaasi garab ku siiyo si si wada jir ah loogu ilaalsho Amniga Suuqa islii.. iyo guud ahaan goobaha ganacsi.

    Suuqa ama Eastlight waa ( Islii ), waa sidoo kale iney yeelataa laan u qaabilsan La kulanka ama la socoshada Qeybaha warbaahinta DAlka Kenya.. oo dadka iyagu ka socda meediyaha waa in loo sameystaa madax iyagu wax ka garanaya ma siin kara warar sugan.. waayo meediyaha oo si qaldan wax u sheegaya waxay saameyn buuxdo ku yeelan kartaa habsami u socodka iyo adeega looga fadhiyo Suuqyadda Soomalida…iyo kuwa kenyaanka intaba.

    Waa in kuwa meediyaha qaranka Kenya wakiilka ka caawiyaan suuqa iyo adeeegiisa oo si fiican loo xayaysiisyaa si loo soo celiyo kalsoonidii ay shacabka ku qabeen, una bixiyo adega ay ka sugayaan dhamaan shacabka Kenya iyo weliba kuwa Bariga AFrica oo si weyn uGu tiirsan ka adeegsigiisa….

  2. Muhiim maaha in la banaanbaxo, laakiin muhiimaddu waxaa waaye in GAnacsatada ku xirnaadaan Madaxdooda ama dadka wakilka ka ah oo ay muujiyaan isku duubni. Madaxda Wakiilka ka ah Qowmiyadda Soomaalida ayaa ay tahay iney iyagu xil iska saaraan Sii deynta Muwaadiniinta sida sharci daradda ah uGu jira Xabsiyadda dalka Kenya, lana fududeeyo sii deyntooda.

    Mida la xisaabtanka Ciidamadda Kenya gaar ahaan booliska ku xadgudbey muwaadininta Soomalida kenyanka ah.. Xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadininimo, midaasi waxaa iska leh, MP iyo cida matasha Qowmiyadda Soomlida ee ku jirta ama u fadhida BAarlaamka DAlka Kenya…

    Madaxa Booliska Kenya waa Mr Benson, waa la hadli kara waa wasiirka gaashandhiga dalka Kenya ama wasiirka arimaha dibaddda.. si markaa looga dhaadhiciyo waxa uu sameeyey iney meel ka dhac ku noqon karto sharafta Ciidamadda dalka Kenya maadaama ay wada matalaan dhamaan qowmiyaddaha dalkaasi ku nool…

    Mujtamaca ama jaaliyadda Soomaalida Kenya iyagana waxaa saran masuul, kaas oo ah ineysan xooga saran oo kaliyah ganacsi iyo nolol abuurasho, balse sidaas oo kale ay masuul ka saran tahay ilaalinta Nabadgelyadda dalka Kenya.. waa iney si wanagsan oo habsami leh ula shaqeeyaan laamaha amniga wadanka gaar ahaan kuwa daacadnimadda ku shaqeynayo…

    Bananbax waxa dhamaaa iney la kulmaan Madaxda MP-yadda Soomalida, cabashadooda iyaga u gudbiyaan,, una sheegaan Dhibtaada dhacdey awgeed in Suuqa iyo adeega uu bixin jirey hoos u dhac weyn ku yimid.. dhibaatadda dhacdey awgeed, in Suuqi ama dadka ganacsatada ah ay awoodi kari waayaan bixinta cashuuraha looga baahnaa.. dowladdana looga baahan yahay iney wax ka badasho ama xil iska saarto qaabka ay kula dhaqantey muwaadiniinta Soomalida ah..

  3. Dowladnimo waa sharaf madax debadaha wareego tuugsi iyo karaamo xumo soo hooya madax walbow timaado waxay ku mashquulaan lacag raadis 23 Ugu dambeeyey waxaan aragnaa rag ku sheeg aan sharaf iyo karaaamo waayey qaarkood waa kuwa caruurtoodii dayacay mas.uuliyada moodey in lacag iyo musuqmaasuq wax wanaag ah oo shacabka ay u qabteen ma jirto waxaan aragnaa qof soomaliga meel walbo lagu dhibaateeyo madaxdiid badbaadin laheyd aqoon karti iyo dadaal maba ogsoona mas.uuliyadooda waxay tahay shacabka iyo dowladaba waxaa la gudbooneyd in ay dacwad u gudbiyaan maxkamada caalamiga ah in ay ka dacweeyaan uhuru qaramada midoobey iyo hey,ada caalamiga ee xuquuqul insaanka dad 7 maalmood garooon leysagu keeney qaarkood wax ehehl ah aan u joojin wax cunto ah aysan heysan qaarkood ay uur lee yihiin qaarkood ay meesha ku umulaan waxa kuukeyda wado waa midab takoor shacab madaxdii soomalidana karaamadooda dhulka lagu jiidey hadii aysan waxba awoodin waxay aheyd in ay dacwad u gudbin doonaan aduunka si loo ogaado waa arinta ugu yar ay sameyn karaan danta xoolaha nafta qofka soomaliga waxaa mas.uul ka ah qofka ama kooxda markaas dowlada hogaaminaayo arinta qaxootiga madax meelo booqdo looma baahno waxaa loo bahan yahay madax la qeybsato xanuunka iyo geerida shacabkooda xataa hadal wanaagsan oo shacabka karaamadooda ilaaliyo lacagta soomalida lagu xasuuqaayo waa lacagtii ay ka heleen amisoom isla weynida wadamada deriska waxaa sabab u ah madaaxda soomaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here