Ganacsade Xayiraad loo saaray Xiriir uu la yeeshay Ururka Al Shabaab

al-Nuaymi_3077741b

Nin Qatar Udhashay Oo Lagu eedeeyay in uu Alshabab Taageero oo Xayiraad lagu soo rogay Dhaqaalayahan Abd al-Rahman bin Umayr al-Nuaymi, oo kasoo jeeda dalka Qatar ayaa lagu eedeeyay in uu xiriir laleeyahay taakuleena siiyo kooxaha Al-Qaeda xiriirka laleh sida Al-shabab.

Tani waxa ay imaaneesa 10 maalin kadib markii madaxda mareykanku ay kusoo rogeen ninkan cuna qabateyn ,oo ay leeyihiin mr Al-Nuaymi waa “Taakuleeye argagixiso” waxa uuna fududeeyaa sidii lacag loosiin lahaa ururka Al-Qaeda iyo xiirka ururkan,wuxuuna sidoo kale taakuleen siiya kooxaha kadagaalama wadamada kala ah,Iraq,Syria,Yemen,iyo Xarakadu Shaba boo kadagalanta Dalkan Somalia.

Waaxda Hanti dhowrka wadanka Britain ayaa kudhaqaaqday durbaba in laxanibo hantida mr Al-Nuaymi madama falal argagixiso ninkan lagu eedeeyay.

Dowlada mareykanka ayaa war kasoo baxay waxa lagu sheegay in Abd al-Rahman bin Umayr al-Nuaymi, uu kamid yahay raga ugu caasan ee Qatar kasoo jeeda kuwaa oo taakuleeya suniyiinta Iraq kadagalamaya iyo Al-shabab-ka Somalia kuwaa oo la’aamisanyahay in uu gacanta kasaaraye 2 million US dollars (£1.25 million) bishiiba.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Abd al-Rahman bin Umayr al-Nuaymi waxaa magaciisa lagu daray Diiwaanka shaqsiyaadka lagu eedeeyo in ay hanta kutaageeraan kooxaha argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here