Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay South Africa

Burcad South African ah ayaa shalay ku dilay magaalada Cape Town nin ganacsade Soomaali ah kadib marki ay ka waayeen lacago ay rabeen in ay ka dhacaan.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu magacaabo C/laahi Jiin Cabdulle Gudbaaye ayaa la sheegay in ay weerartay afar nin oo hubeesnaa kuwaasi oo ka dalbay in uu sheego halka ay lacagta ugu jirto balse toogtay marki uu ugu jawaabay inuusan heyn wax lacag ah.

Axmed Cumar Xeed (Dhagacade) oo ka mid ahaa dadki ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in ay carareen kooxdi burcada aheyd marki ay dileen marxuumka oo ay ku dhifteen sadex xabadood.

Waa dilki labaad oo mudo sadex maalin gudahood loogu geysanayo magaalada Cape Town dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku ganacsada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.