Ganacsade Saciid Abuukar Cadaan oo lagu aasay Nairobi

Ganacsade Saciid Abuukar Cadaan oo Nairobi lagu dilay
Ganacsade Saciid Abuukar Cadaan oo Nairobi lagu dilay

Allaha ha u naxariisto waxaa galabta lagu aasay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ganacsade Saciid Abuukar Cumar Cadaan oo shaley kooxo hubeysan ay ku dileen halkaas.

Marxuumka ayaa waxaa dhalay Abuukar Cumar Cadaan oo isna ah ganacsade si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo dhan.

Waxaa toogtay Saciid rag ku hubeysan bastoolado sida uu sheegay Cabduqaadir Cumar Cadaan oo walaalo yihiin marxuumka la dilay.

Booliska Kenya ayaa wada baaritaan ku aadan sidii lagu ogaan lahaa cida dishay marxuumka.

Allaha u naxariisto marxuumka ayaa la sheegay in uu xarun gancsi uu ku lahaa Nairobi, waxaana uu ifka uga tagay xaas iyo 7-carruur ah, kuwaasoo hadda ku nool Nairobi.

Wuxuu Nairobi soo degay isaga iyo qoyskiisa sannadkii 2007-da isagoo ka yimid dalka Norway oo ay uu ku noolaa isla markaana uu heestay dhalashada dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here