Ganacsade reer India ah oo labiskiisa ka dhigay Dahab si usoo jiito…..

Mid kamid ah raga ugu taajirsan dalka India ayaa go’aansaday in samaysto labis ka samaysan dahab, si uu usoo jiito indhaha dumarka reer India, ninkaan ayaa samaystay joog labis ah islamarkaasna kasamaysan dahab qaalisa ama andiif ah, waxa uuna kusoo aadaa meelaha laysugu soo baxo ama xafladaha waaweyn.

Ninkaan oo ku nool mid kamid ah wadamada ugu faqiirsan dunida ayaa ka yaabiyay dhamaan dad isugu yimid xaflad ka dhaceeysay magaalada New Delhi, kadib markii uu soo xirtay labis ka samaysan dahab oo qiimaha uu ku fadhiyana ay tahay 250,000$.

Samaynta labiskaan ayaa waxaa ka qayb qaatay ilaa 15 shaqaale, waxaana samayntiisa ay qaadatay ilaa mudo labo isbuuc ah, ama 16 saacadood maalinkiiba.

Ninkaan samaystay labiska dahabka laga sameeyay ayaa waxa uu yiri mar uu warbaahinta lahadlayay: : “waxan labiskaan usamaystay inaan kusoo jiito indhaha dumarka si aan ugu muuqdo nin balaayo kadhacday oo dahabka ku labisto, waana wax aan mudo ku fikiri jiray, waa ii rumoowday waana ku labsian doonaa meel walbo oo aan aadayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here