Ganacsade lagu toogtay Baladweyn

Nin ganacsade ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taasi oo kordhisay cabsi dadka nabadoonada ah iyo ganacsatada oo maalmahan ugaarsi lagu hayey.

Cabdi Goobe oo ahaa ganacsade iyo nabadoon laga yaqaano Baladweyne ayaa waxaa dilay niman ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo marki ay dileena goobta ka baxsaday.

Dadka magaalada ayaa aad uga naxay dilka loo geystay Cabdi Goobe, waxaana lagu wadaa in aaskiisa uu maanta ka dhaco magaalada Baladweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilkiisa ayaa ku eedeeyey ururka Al Shabab, waxa kale oo ay sheegeen in bilaabeen baaritaano ku aadan dilka marxuumka.

Baladweyne ayaa waxaa maamula dowlada KMG Soomaaliya, waxaase mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo.