USA :Ganacsade balanqaaday in uu $15 kun uu ku bixinayo xogta dilka wiil Soomaali ah

IMG_3161_zpsb500984b

Ganacsade degan gobolka Minnesota oo lagu magacaabo Basim Sabri ayaa balanqaaday in uu siinayo $15 kun oo dollar qofkii soo sheega xog ku saabsan cidii dishay Alle ha u naxariistee Fu’ad Ahmed Ali. Fu’ad waxaa isbuucii hore lagu dilay magaalada Minneapolis.

Basim iyo Fu’ad waxaa ka dhexeeyay ganacsi. Fu’ad wuxuu Basim ka kiraystay labo goob oo lagu dhigo xafladaha sida aroosyada iyo wixii la midka ah.

Wuxuu kaloo balanqaaday in uu $15 kun oo kale siin doono marka dambiga lagu helo qofka dilay Fu’ad. Ilaa iyo hadda ma jiraan dad loo xiray dilka.

Isku imaad kale oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Ka Joog iyo jaaliyada Soomaalida ayaa lagu qabtay hall-ka Safari. Waxaa kasoo qeyb galay askartii baareysay dilka Fu’ad. Inkastoo aysan ka hadlin heerka uu marayo baaritaanka dilka Fu’ad haddana waxay ka hadleen in ay ku dhaw yihiin in ay xaliyaan dilal hore u dhacay oo ay baarayeen.

Waxay dadka ka codsadeen in ay usoo sheegaan xog walba oo ku saabsan dilka Fu’ad iyo dilalkii ka horeeyayba. Fu’ad waxaa maalintii Jimcaha lagu duugay qubuuraha Burnsville. Soomaali farabadan ayaa kasoo qeyb gashay aaska.

Xigasho: http://mogadishutimes.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here