Ganacarada Xamar Weyne oo codsi u diray Dowlada KMGS

Ganacsatada tukaamada ka sameystay meelaha sharci darrada ah ee isku raranka ayaa ka codsatay maamulka gobolka Banaadir inuu waqti dheer siiyo si ay uga guuraan meelaha ay haatan daganyihiin.

Mid ka mid ah ganacsatada oo magaciisa kusoo koobay Cumar ayaa u sheegay wariyaasha in ay ka walaacsanyihiin waqti uu gudoomiyaha degmada Xamar Weyne u qabtay oo ah laba maalin in ay ku bur buriyaan xarumaha ay meelaha qaldan ku yaala.
“Suurta gal ma ahan in laba maalin aan uga guurno meelaha aan haatan ku ganacsano ee Xamar Weyne, laba maalin guuritaankooda waa dhibaato, gudoomiyaha degmada waxaan ka codsaneynaa in uu mudo ka badan bil na siiyo si aan uga guurno,” ayuu yiri.

Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/laahi Sahal Gardhuub ayaa shalay ku amray ganacsatada degmada Xamar Weyne gaar ahaan kuwa ku ganacsada meelaha aanan munaasabka aheyn in ay ku bur buriyaan goobahaasi mudo laba maalin gudaheed ah.

Ganacsatada qaar ayaa soo jeediyey talo ah in dowlada KMG ay dib u furto Bacadlaha Xamar Weyne iyo Suuqii Yoobsan si ay magaalada nafis u hesho.