Galmudug oo soo bandhigtay Maxaabiis ay Puntland uga qabatay dagaalka Gaalkacyo

gaalkacyoCiidanka maamulka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay Maxaabiis ay sheegeen in ay kusoo qabteen dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maxaabiistaan ayaa Galmudug ku sheegtay in Qaarkood ay ka yimaadeen Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Tirada Maxaabiista ayaa gaaraya saddex nin sida uu sheegay taliska ciidanka booliska gobolka Mudug.

Saddexdaan nin ayaa Galmudug ku sheegay in lagu soo qabtay dagaalka ay kula jiraan maamulka Puntland , lakiin ciidankaan ayay ku sheegeen in ay ka mid yihiin ciidamo maamulka Jubbaland ay u soo direen dagaalada Magaalada Gaalkacyo.

Mid ka mid ah dadka lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa waxa uu qabaa dhaawac sida ay sheegeen Taliska ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Isha: Risaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here