Guddiga doorashada Madaxweynaha ee Galmudug ayaa maanta soo bandhigay jadwalka doorashada iyo shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa is diiwaan gelinaya 1-da bisha April illaa 5 April, iyadoo maalinta xigta ee 6-da bisha la qaban doono dooda musharaxiinta.
Sidoo kale khudbadaha Musharaxiinta ayaa la dhageysanayaa 8-da bisha April, waxaana maalinta doorashada dhaceysa ay tahay 10-ka bishan.
Musharaxiin dhowr ah ayaa isu taagay xilka Madaxweynaha Galmudug, kuwaasoo ololahooda si aad ah looga dareemayo degmada Cadaado.
Halkan hoose ka akhriso Jadwalka doorashada Madaxweynaha:-