Galmudug oo qabatay Doonyo ay la socdeen rag al-shabaab katirsan

ab-maxaabiis-galmudug-4Ciidanka Maamulka Galmudug ee ku sugan Xeebaha Bariga Gobolka Mudug, ayaa waxay gacanta ku dhigeen dooni nooca dheereeya ah, oo ay la socdaan afar nin, oo saddex ka mid ihi ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaay), Wasiirka Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in doonidan la qabtay Maqribnimadii xalay, waxaana la socday buu yiri naaquudihii doonida iyo saddex nin oo kale.

Wasiirka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in saddexda nin ee ka tirsan Ururka Al Shabaab, ay wateen raadiyaha gacanta ee lagu wada xiriiro, isla-markaana uu socdo baaritaan ka dhan ah raggaasi.

Dhanka kale Wasiirka oo ka hadlay dagaalada Ciidanka Galmudug iyo Ururka Al Shabaab ku dhex maraaya Bariga Gobolkaasi Mudug, ayaa sheegay in si wayn loo hareereeyay dagaal-yahanada Shabaabka.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in dagaal-yahanada Al Shabaab ay la socdaan ajaaniib badan, isla-markaana ay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka mid ah Dinooda, Towfiiq iyo Af Barwaaqo, ayna baacsi ku hayaan Ciidanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here