Galmudug oo ku dhawaaqday Arin farxad leh kadib Markii Sheikh maxamed Shaakir….

Maamulka Galmudug ayaa ugu horeyn ka hadlay xaaladda nololeed ee ka taagan deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan dhibaatada biyaha wabiga ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi.

Waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan  ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dhamaman ay Garoomadda Galmudug u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, islamarkaana Galmudug ay gaarsiin doonto Gargaarkaasi dadka dhibaateysan Maadaama ay biyo Fadhiisteen Garoonkii weynaa ee Beledweyne.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay magacowday Guddi ka kooban inka badan 20 xubnood kuwaasi oo ka shaqeyn doona badbaadinta dadka dhibaatada ku heysato deegaanada Gobolka Hiiraan.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here