Galmudug oo gacanta ku dhigtay nin Shabaab looga shakiyay

galmudugqWararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu qabtay nin la sheegay in uu xiriir la lee yahay Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninka laga soo qabtay duleedka Gaalkacyo, kaddib markii ay ka war heleen inuu ku sugan yahay.

Ka hor inta aan la soo qaban ciidamada booliska maamulka Galmudug ayaa howgalo ka sameeyay xaafadda uu joogay ee laga soo qabtay ninka.

Ninkan ayaa markii la soo qabtay lagu xiray saldhigga booliska, waxaana hadda ku socda baaritaan kaddibna waxaa loo gudbin doona maxkamad, siddaas waxaa sheegay Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug.

Wuxuu kaloo sheegay in booliska Gaalkacyo ee Galmudug uu dib xorriyaddooda u siiyey saddex qof oo midkood dumar yahay oo loo qabtay tuhun ku saabsanaa inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inaysan raad ku lahayn kooxda.

Maamullada gobollada dhexe ee dalka ayaa dadaal ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen firxadka Al-Shabaab ee ka soo yaacaysa dagaallada ka dhanka ah ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here