Galliani oo in rajo aysan ka qabin ciyaartoy cusub oo Milan ay la timaado

282582_heroaKaddib markii ciyaaryahanka reer Japan ee Honda heshiiskiisa lagu guul dareestay, wuxuu agaasime ku xigeenka kooxda uu ka dhawaajiyay in ay dhammaatay ciyaaryahan kale oo kooxda ay ka sugeyso suuqa oo imaanaya.

Rossoneri, ayaa hadda hubanti ka dhigatay la soo wareegitaanka Cristian Zapata, Riccardo Saponara, Andrea Poli iyo Jherson Vergara intii lagu gudajiray suuqa.

“Suuqa ciyaartoyda lagu kala wareego wax walba ayaa ka dhaca in kastoo aan rabno ciyaartoy kale,” 69-jirkan ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay wariyaasha.

Mar uu ka hadlaayay in warar cusub ay ka soo kordheen la soo wareegitaanka xidigga reer Japan ee Hodan wuxuu yiri  “Ma jirto wax war cusub oo ka soo kordhay Honda iyo [Mamadou] Sakho.

Kooxda Milan ayaa xaley la ciyaartay ciyaaraha hordhaca ee koobka Champions League naadiga dalka Netherlands ee PSV Eindhoven waxa ay ku kala baxeen 1 iyo 1.

Mar uu ka hadlayay ka hor inta aysan ciyaarta billaaban Galliani awooda PSV wuxuu sheegay in kooxdan ay soo mareen ciyaartoy muhiim ah sida  Ronaldo iyo Romario waana koox awood badan buu yiri ,”

Galliani ayaa daboolka ka qaaday in awooda kooxda lagu ogaan doono sida ay xaley u ciyaartay ka hor horiyaalka Talyaaniga.

Wuxuu sheegay in kooxda Milan ay hoos uga dhacday marka loo eego qiimeenta kooxaha Yurub balse waxaan wadaan buu yiri siddii aan arrintaas uga soo kabsan lahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here