Galliani : ma u maleenaayo Ibra in uu Milan ku soo laabanayo

Madaxweyne ku-xigeenka kooxda AC Milan, Adriano Galliani ayaa war been abuur ah ku tilmaamay in Thiago Silva iyo Zlatan Ibrahimovic ay ku soo laaban doonaan dalka Talyaaniga.

Ibrahimovic ayaa markii uu tagay dalka Faransiiska, xilli ciyaareedkii ugu horreeyay wuxuu noqday xiddiga ugu wanaagsan horiyaalka Faransiiska.

Kooxda Paris Saint-Germain, ayuu u dhaliay 26 gool, horiyaalka Faransiiska Ligue 1 waxaana kooxdiisa uu gacan ka siiyay in ay ku guuleesato hoggaanka horiyaalka.

Si kastaba, sidaas oo ay tahay ciyaaryahanka kuma qanacsana in uu joogo dalka Faraniiska.

Kooxaha doonaya ciyaaryahankan waxa ka mid ah Juventus, laakin Galliani wuxuu lee yahay Milan baahi hadda keeneyso ma jiro in ay la soo wareegto xiddiggan reer Sweden.

“In ku soo laabto Milan Ibrahimovic uma arko wax suura gal ah, waayo mushaarka uu dalbanaayo aad buu tira badan yahay,” ayuu yiri.

“Waa ciyaar yahan aad u fiican, laakin uma lihin hadda dhaqaale in la soo wareegno, waa suura gal in dib aan ula soo saxiixano isaga ama Thiago Silva.

Kooxda Milan ayaa kal horre ka soo iibisatay difaaca Silva kooxda Fluminense , wuxuuna markaas ugu fadhiyay 10 million euros laakin waxa ay ka faa’iday 32 million euros xidigga rere Brazil narkii uu ku biiray kooxda PSG sannadkii 2012.

Milan iyo Juve ayaa Axadda ciyaari doona kulan ka tirsan horiyaalka Talyaaniga, iyagoona ku kala jira kaalinta koobaad iyo kaalinta seddaxaad.

Milan waxa ay ka carareysaa kooxda Fiorentina oo kaalinta afaraad ku jirta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here