Galguduud oo loo sameynayo maamul hoos yimaada dowlada DKG

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso sidi maamul iyada hoos yimaada loogu sameyn lahaa gobolka Galguduud oo ay haatan gacanta ku hayaan intiisa banadan Ahlu Sunna.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa hadalkaan shalay kaga dhawaaqay kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo.

Mr. C/samad ayaa ku adkeystay in arintan ay kala tashan doonaan Ahlu Sunna oo haatan ka arimisa gobolka iyo dadka kasoo jeedo halkaasi kadibna ay ay ku dhawaaqi doonaan maamul hoos yimaada dowlada KMG.

“Waxaa jirtay ayaan dhexdaas in odayaasha dhaqanka ee gobolada dhexe jooga in gobolka loo sameeyo maamul hoos yimaada dowlada, waxaan rabaa inaan idiin sheego in aan go,aansanay in maamulkaas aan dhameystirno,” ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa laf dhuun gashay ku noqon doona maamulka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe kuwaas oo mudo sadex sana ah uu dhiigoodu ku baxayey isla markaana halkaasi ka raacdeystay Al Shabaab.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.