Kooxda Galatasaray ayaa ka badisay Sivasspor markii ay 4-2 Axadii shaley ku badisay, waana koobkii 19-aad oo ay ku guuleesato tartanka Turkish Super Lig.
Selcuk Inan iyo Burak Yilmaz ayaa u dhaliyay goolasha Galatasaray, waxaana sidaas ay ka dhigeysaa in kooxda ka dhisan magaalada Istanbul ay noqoto kooxdii ugu horreeyay ee ku guuleesta 19-koob.
Galatasaray waxa ay iska daba dhawaayeen kooxda Fenerbahce oo 18-koob horrey ugu guuleestay, sidoo kale kooxda kale ee ka dhisan Istanbul Besiktas ayaa kaalinta seddaxaad ka gahay, iyadoona ku guuleesatay 13-koob.
Horiyaalka Turkiga Turkish Super Lig waxaa hadda ka harsan labo kulan, Goolasha ay dhalisay Galatasaray waxaa gacan ka geestay Didier Drogba iyo Emmanuel Eboue.
Galatasaray ayaa 10 dhibcood ka horeeysa kooxda Fenerbahce oo kaalinta labaad ku jirta markii ay guul daro kala kulantay kooxda Istanbul BB, halka Besiktas, oo ku jirta kaalinta seddaxaad ay ka tuntunta 2 iyo 1 kooxda Eskisehirspor Sabtidii.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com