Galatasaray oo dooneysa Sneijder

Kooxda Turkiga ka dhisan ee Galastasaray ayaa xiriir la sameesay weeraryahanka reer Holland Sneijder oo hadda u muuqda in ka tago horiyaalka Talyaaniga iyo kooxda Nerazzurri.

Xiddiggan ayaa la sheegay in mustaqbal fiican uusan ka yaalin garoonka San Siro kaddib markii uu diiday in uu heshiis dheer la saxiixdo kooxda bishii December.

Kooxda horiyaalka Turkiga heesata ayaa in mudda ah raadineysa ciyaaryahankan oo hadda in uu ka dhaqaajin doono kooxda Inter.

Dhinaca kale, maamulaha kooxda Inter Massimo Moratti ayaa u sheegay wariyaasha in qorsha Wesley Sneijder uu yahay mid ugu horreeya ee miiska u saaran siddii uu wax uga qaban lahaa.

Dhowr jeer ayaa ciyaaryahankan loo sheegay in uu iska joogo kooxda Inter, laakin arrintaas ma ahan mid uu ku qancay Sneijder.

Moratti ayaa sheegay in ciyaaryahanka ay u sheegeen in loo kordhiyo mushaarka, laakin ma ahan mid weli lagu heshiiyay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya Sneijder, uu ku laaban doono kooxdiisii hore ee  Manchester United ama Chievo kuwaasoo iyana doonaya ciyaaryahanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here