Gal-mudug:Waxaan U Diyaargarownay dagaal Ka Dhan Ah Maraakiibta Shisheeye

Kadib markii maalmo kahor Markab yaala Xeeta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug kulan ku wada qaateen masuuliyiin kasocota maamul goboleedka Gal-mudug iyo Saraakiil ka socotay NATO, ayaa Galmudug waxa ay ku dhawaaqday in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah lana dagaalama Maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kaluumeysta xeebahaas

C/qaadir Cali Jaamac “Qalab-xoor”, oo ah wasiirka Kaluumeeysiga Gal-mudug, lana hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay ineey diyaariyeen doomo dheereeya iyo Ciidamo si ay ula dagaalamaan Kaluumeeysiga sharci darada ah oo ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa maamulkaas.

“Waxaan isku diyaarineeynaa sidii aan uga hortagi lahayn Kaluumeeysiga sida sharci darada ah uga wadaan xeebaheena Maraakiibta shisheeye” ayuu yiri Qalab-xoor.

Sidoo kale Qalab-xoor, waxa uu digniin u diray Maraakiibta kaluumeeysiga sharci darada ah xeebaha ku teedsan deegaanada Gal-mudug, waxa uuna carabka ku adkeeday in Markabkii ama Doontii ay kusoo qabtaan iyadoo si sharci daro ah kaga kaluumeesaneeysa ay ku ganaaxi doonaan lacag dhan 10%.

Xeebaha Soomaaliya ayaa 20-kii sano ee lasoo dhafay waxaa si sharci darro ah kaga kaluumeysta Maraakiibta shisheyaha , halka kuwo kalena ayba ku daadiyaan suntan iyo wasaqda laga soo saaro warshadaha Nuclearka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here