Gabr uu dhalay Ismaan Caato oo loo magacaabay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo

Seynab Isman Xasan Cali (Caato) oo ah gabar uu dhalay xildhibaan Ismaan Xasan Cali (Caato) oo horay uga mid ahaa hogaamiye kooxeedyadi hore ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay xilka gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha mamaulka Galmudug, Maxamed Axmed Axmed Calain ayaa lagu magacaabay Marwo Saynab, iyada oo noqotay haweeneydi u horeysay ee uu maamulka Galmudug u magacaabo gudoomiye degmo.

Saynab ayaa badashay gudoomiyihi hore ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Dr. Farxaan kaasi oo dhawaan iska casilay xilkaasi sababo la xiriira is qab qabsiga dhanka siyaasada ee Galmudug.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka codsaday shacabka ku nool deegaanada uu maamulo maamulkaasi in ay gacan ka siiyaan sidi ay meel isaga saari lahayeen kooxaha burcad badeeda.

Caalin wuxuu sheegay in burcad badeeda ay aad ugu soo badatay deegaanka, iyadoo falki ugu danbeeyey ay todobaadkaan ku afduubteen nin Mareykan ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com.