
Shabakadda Midinimo ayaa booqatay qoys ku nool deeganka Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose, oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Gabadha sawirkan ka muuqata, waa Rajo, waxa ay la nooshay aabaheed, oo hooyadeed kal horre ayey geeriyootay.
Waxaa lagu magacaabaa Farxiyo Abuukar Sheekh Nuur waa 7-jir, laakin jiro ayaa la hartay inta badan da’deedii oo caafimaad xumo ku riday.
Xilligan waa ay xanuunsan tahay, oo waxaa haya nafaqo darro, taasoo keentay in cuduro badan oo uu ka mid yahay cagarshowga ayaa ku dhacay.
Cudurkan ayaa in mudda uu hayay, waxaana hadda ugu darsamay xaalad macluul ah.

Aabaheed Abuukar Sheekh Nuur, ma shaqeeyo hadda, oo wixii hanti uu lahaa sida beero iyo xoolo waxa ay ku baabeen abaarihii ka dilaacay sannadkii 2011-ka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Haddaba ciddii wax u tari kara gabadhan iyo qoyskeeda waxa ay la soo xiriiri karaan taleefonnada kaa ah 0616132874 oo laga gelo aabaheed Abuukar am 252618808081 iyo ciwaankan osmanhindi@yahoo.com oo laga heli Cusmaan Nuur (Hindi) oo ay qaraabo yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com