Gabdhaha Heegan Oo Ku Guuleeystay horyaalka 4aad Ee Kubadda Koleyga

Ciyaar aad u xiisa badan oo ay usoo daawasho tageen Kumanaan dadweyne ah ayaa ku dhexmartay garoonka luujino degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ciyaartooyda gabdhaha ee kooxda Heegan VS Horseed oo iyagu kakala tirsan Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

Ciyaartan oo aheyd ciyaarta kama dambeysta (Final) horyaalka Afaraad ee gabdhaha kubadda koleyga Dalkeenna ayaa labada kooxood waxey soo bandhigeen ciyaar aad u xiisa badan taasi oo ay si aad u jecleysteen dadweynaha iyo mas’uuliyiintii daawanayey.

Ciyaartooyda gabdhaha kooxda kubadda koleyga Heegan ee Ciidammada Booliiska ayaa waxaa u suurta gashay iney ku guuleystaan horyaalka Afaraad ee Kubadda koleyga Dalkeenna kadib markii ciyaartooyda kooxda Horseed kaga adkaadeen 11-7 Gool.

Xogahaya Guud ee gudiga Olombikada Dalkeenna Duraan Axmed Faarax oo gebagebadii ciyaarta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida uu tartankan kusoo idlaaday isaga oo u hambalyeeyey ciyaartooyda gabdhaha kooxda Heegan oo tartankan ku guuleystay.

“maanta gabdhaha Soomaaliyeed waxey dib ugusoo laabteen iney qaataan kaalintooda nabadda iyo isdhexgalka bulshada waayo halkaan waxaa ka muuqda gabdho iyo wiilal farabadan oo isugu jira ciyaartooy iyo taagerayaal,gudiga olombikada Soomaaliyeed wuxuu ballan qaadayaa inuu sameeyo wax walba oo hormarka nabadda gacan ka geysanaya”ayuu saxaafadda u sheegay xoghayaha guud ee gudiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Duraan Axmed Faarax.

Waa qeyb ka mid ah isbedellada hormarka ah ee ka jira caasimadda Dalka ee Muqdisho ayadoo hormarradu ay ahaayeen kuwo sii kordhaya tan iyo wixii ka dambeeyey intii Muqdisho laga xoreeyey maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here