Sooryo/Gabbaati lagu dhiibayo EVC+ (Sheeko dhab ah)

Sheeko dhab u dhacday ayaan idiin soo gudbineynaa, waxa ay ku saabsan tahay dhaqan dooriska dhallinyarada Soomaalida ay ku sameeyeen guurka.

Sheekadan ayaan ka soo xignahay Maxamed Axmed Cabdulaahi oo ah aqoonyahan ku xeel dheer saxaafadda.

Wuxuu ciuwaan uga dhigay (Dhallinyaro iyo Dhaqanka maxaa kala haaysto… Sooryo/ Gabbaati lagu dhiibayo EVC+)
———————————————————————

Sheekada ayaa sidan u dhaceysa : Oday Cumar: waryaahee Caliyow Meherkii waa dhacaye aaway maxaad ugu tala gasheen Sooryo ahaan inaad dhiibtaan?

Cali: haa adeer lacag boqol doolar ah ayaan EVC+ ku sidaa

Oday Cumar: yaah! maxaad tiri?

Cali: haa taleefanka ayaan kuwadaa numberkooda ugu tuureynaa ..

Oday Cumar: subxaanallah war taasi waa xaajo ugub ah, waxa kanna waa dhaqan, dhaqanna ku dheel dheel magalo

Cali: adeer waxaas looma jaxanjaxo dadkaanna waa ilbaxeen … isug haddaanba u sheegayaaye …

Oday Cumar: aryaa arbal uk..

Cali: ee waa ku mahadsantihiin sidaad noo sharafteen iyo gabadha aad nasiiseen meherkiina noogu darteen, hadana waxii aan sooryo idinkugu talagalnay aan soo tuuree numberkeen kusoo ridaa?

Oday Muuse: yaah! number see ah?

Cali: Sooryadiibaan EVC+ kuwdaaye ii sheega number aan idinkugu soo tuuro …

Oday Muuse: adeer kuma fahmine caddee warkaaga …

Gabadha walaalkeed: (ayaa oday muuse dhagta wax ugu sheegay oo yiri) adeer nimanku lacag kaash ah ma wataan oo waxey doonayaan lacag ay taleefanka ku sitaan in ay noo soo xawilaan soorya ahaan …

Oday Muuse: arbal tanoo kale!!! magabadha Saynab Guuleed Barre sooryadeedi ayaa taleefan laga soo xawilaa? adeer meesha ma biibito aad shaah kacabtayaa? waa soo tuuraa aa !!! adeerayaal isku dhaqanba ma nihin raali ahaada, xaajaduna halkaa noogu joojiya, laba arimoodna idinkey idinla gudboontahay, gafkaasi xaal xumeyn ka keena, sooryadiina keena ama gabadha noo fura waxii qarash idinka maqanna soo sheegta ..

Oday Cumar:ilma adeerayaalow raali noqda, xaal iyo xumeyna qaata, war idin qabta ma ahan, waxaan wax ka ogayna ma ahan, oo waa wax aanan isku ogeyn, nin yarna intii geed ka boodo ayuu tala kaboodaa ( Oday Cumar waa istaagay oo Oday Muuse madaxa Cimaamad kasaaray).

Waxaa soo galay wiil dhalinyara ah oo Oday Cumar uu hoos ka diray intii muranka socday, oo dukaan ku dhaggan guriga arooska kajiro kasoo sarifay lacag shilin soomaali ah, markiiba Oday Cumar ayaa la wareegay oo lacag sadax milyan ah cimaamaddiis ku duubay, isagoo la hadlaayo Oday Muuse ayuu yiri labadaan milyan waa xaal iyo xumeyn waxii gaf ah ee dhankeena ka dhacay, sadaxdaan milyanna waa soorayadii ..

Oday Muuse: (oo ahaa Oday dhaqameed ku xeel dheer arimaha dhaqanka ayaa labadii milyan oo kala ah milyan uu kasoo reebay lacagtii xaalka aheyd iyo milyan kaloo uu kasoo reebay lacagtii sooryada kusoo celiyay Oday Cumar) oo yiri waa qaadanay xaalki iyo xumeyntii nala siiyay intaana waa idinku soo celinay sidii dhaqanka aheyd, Oday Cumarna waa ka guddoomay waana ka mahad naqay, halkaana lagu kala faataxo martay xididtinimadii cusbeydna ku badbaadday ….

Dhammaad

W/Q:Maxamed Axmed Cabdulaahi

Soo qor aragtidaada?

3 COMMENTS

  1. Waa sheeko uu ku dardaarmayo in dhalinyaradu ay qaadato dhaqankooda oo aysan ka tagin maxaa yeelay dhaqanka dal kasta waa wax muhiim ah maxaa yeelay waa tastuur kíi awoowayaasheen hadana waxaa soo baxay dad daqan dooris ah oo dhaqan gaalo wata maxaa yeelay dhalinyaradii waxay jaranayaan timaha say ujar taan niman ka gaalada cayaartoyda ah

  2. Waxas waa been abuur oo lagu dacaayadenayo shirkada hoormuud balse waxaas wax uma aragto dabalka soo abaa bulay ayee damir xumo kutahay waxas oo kalena laguma soo qoro mesha nacas

    • Waa arrin sax oo dhacday, Marka waa Mahasantahay, waana qoraal uu noo soo diray qof la isku haleen karo, ma ahan in shirkad lagu xumeynayo Mahadsanid Cabdicasiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here