Biljamka oo masaafurinaya Gabar Soomaalinimadeeda ay shaki galiyeen.

Farhia Omar Mohamed, 26 sano jir ku dhalatay degmada Madiina ee magaalada Muqdisho oo hada ku xeran xabsi ku yaal magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa codsi magangelyo oo ay weydiisatay dowladdaasi ay diiday kadib markii ay ugu shakiyeen ineysan Soomaali aheyn.

Farhia oo 28-11-2011-kii laga qabtay garoonka diyaaradaha Brussels xili ay kasoo degtay, waxaa xiligaasi lala yeeshay Wareysi ay kaga hadleysay dhibaatada dalkeeda ay ugu soo carartay, iyadoo xiligaasi wareysiga laga qaaday kadib ay dhowreysay iney hesho aqbalaada codsigeeda magangelyo.

Waaxda socdaalka iyo wasaaradda caddaalada ee qaabilsan dadka soo galootiga ayaa u sheegay Looyarka Farhia Omar Mohamed oo la yiraahdo Alexander Loobuyck in aysan Soomaali aheyn, hadii Soomalinimadeeda lasoo cadeeyana ay xaq u yeelaneyso iney hesho  xaquuqda xaqootinimo ee ay bixiso Biljamka.

Dadaal uu sameyay Looyarka Farhia ayaa noqday mid dhicisoobay kadib markii labo jeer oo la geeyay garoonka diyaaradaha Brussels si dib loogu celiyo Soomaaliya, hase ahaatee arrimo farsamo darteed la baajiyay, waxaana balanta ugu danbeyso loo qabtay Looyarka u doodaya Farhia in ay bishan inta aysan dhamaan keento cadeymo muujinaya Soomaalinimadeeda.

Dadaal ay sameysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Antwerpen ayaa waxay ku geeleysatay in ay ehelada Farhia ka helaan ID-kaarka la socda Baasaboorka Soomaaliga oo ay leedahay Farhia, kaasoo looyarka u gudbiyay waaxda socdaalka, hase ahaatee waxay ku doodeen in aysan hubin karin kaarkani, loona baahan yahay in ay soo hubiso Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Brussels.

 Looyarka Farhia ayaa waxuu la xiriiray Safaarada Soomaaliya ee Brussels, waxayna looyarada ay wada hadleen xubin ka tirsan Safaaradda una sheegay in Farhia Omar Mohamed lagu heysto Soomaalinimadeeda, sidaasi darteedna laga doonayo in Safaaradda ay ku booqato xabsiga soona cadeyso Soomaalinimadeeda, inkastoo Safaarada ay ka cudur daaratay iney xabsiga ku soo booqato gabadhaasi Soomaaliyeed, waxayna ka codsadeen in Waaxda Socdaalka Biljamka ay gabadha keenaan xafiiska Safaaradda.

Cabdixakiim Yaasiim oo ah Guddoomiye kuxigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Antwerpen ayaa sheegay in hadii aan waxba laga qaban arinta gabadhani Soomaaliyeed inta aysan dhamaan bishan Fabraayo laga yaabo in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Farhia Omar oo aan la hadlay ayaa ii sheegtay in aysan garaneyn wax ay sameyso, gudaha xabsigana dhibaato ay ku qabto, waxay kaloo ay sheegtay in dad badan oo lala qabtay lasii daayay.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland