Gabar Soomaaliyeed oo 4 Sano Jir ah oo Lagu Xoogay Magaalada Mombasa

Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ayaa sheegaya in halkaasi lagu kufsaday gabar Soomaaliyeed oo da’deeda lagu sheegay 4 sano jir.

Reerka dhalay gabadha yar ayaa sheegay in gabadhooda ay banaanka aaday, iyaguna ay u maleynayeen inay soo ciyaareyso, oo ay la maqan tahay gabdho kale oo ay saaxiibo yihiin.

“Gabadha waxaa lagu xoogay meel aan ka dheereyn guriga, waxaana ay maqnayd in mudo ah iyadoo loo moodayay in saaxiibadeed ay la ciyaarayso”ayuu sheegay aabaha gabadhan

‘Waxaan isku daynay inaan baadi goobno gabadha waxaana ka radinaynay maqaayad inoo dhaweyn oo naloogu sheegay”ayuu hadalkiisa raaciyay aabaha gabadhan

“saacadu waxaa ay ahayd lixdii habeenimo, markii aan tabnay gabadheena, waxaana ka helnay maqaayada” ayuu sheegay aabaha gabadhan oo lagu magacabo Bashir Abdi

“waa ay dhiigaysay dhamaan jirkeeda qoortana waxa kaga yaalay dhaawac xoogan”ayuu hadalkiisa raaciyay aabaha gabadhan.

Gabadha yar ayaa dhaawac ahaan Isbitaalka loogu qaaday, halkaasoo ay marki dambo ku geeriyootay gabadha yarta ah, waxaana arintaasi xaqiijiyay aabaha dhalay gabadha.

Aabaha oo ay murugo ka muuqatay ayaa sheegay in falkan uu geystay nin si weyn looga yaqaano Magaalada Mombasa, wuxuuna sheegay in ninka ay is yaqaanaan xataa marki ay gabadha yar dhalaneysay.

“Ninkaas waxaa uu ahaa dariskeena aad ayaana u aqaanay ilaa markii ay gabadhan dhalanaysay. ilaa iyo haatan waan la yaabanahay sida ay arintan udhacday’a ayuu sheegay Mr Abdi

Kipkemboi Rop oo ah Taliyaha Booliiska Mombasa ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah dadka falkan ku kacay, wuxuuna qiray in asbuuca soo socda la geyn doono maxkamad.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay baadi goobayaan nin kale oo la sheegay in uu falkan wax ka sameeyay, isagana ay goor dhow gacanta ku soo dhigi doonaan.

“waan xirnay mdi akmid ah dadkii aan kashakinay, waxaana wadnaa baaritaan waana nasiib daro in gabadhan la xoogay kahor inta aanan la dilin” ayuu sheegay  Mr Rop.

Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya waxaa ku badan kufsiga caruurta yar yar, kaasoo ay geysanayaan Rag aad u da’ weyn, ilaa hadana ma jirto wax laga qabtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. wax yaabaha dhacaaya waxa usabab ah dadka qaska ka wada somaliya maxaa yeelay dadkaani oo dhan ma aan soo bexeen qurbo ma imaan lahayn waxa dhibka inoo geysanaaya waa odayaalka somalida oo har iyo habeen dhibka wada oo ka fekera calooshooda kursi magac leh ama boorso buuxdo talow goormaan ka bixi doonaa dhibkaan nagu dheeraaday ilaahaw naga bixi cariirigaan dadka aan shacabka soomaaliyeed wax uqabanayn ilaahaw ka qabo meel islaam joogin naga geey kuwaas sharta wata

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here