Gabar Soomaaliyeed oo 17 sano xabad madaxa ugaga jirtay una baahan gargaar

Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Hubka la isku adeegsaday dagaalada sokeeye ayaa waxaa ay sababeen in ay dadka rayidka ah ka soo gaaraan dhimasho iyo dhaawac iyadoo kumanaan ruux oo ku dhaawacmay dagaalada ay weli saameyntoodu ka sii muuqdaan, iyadoo aysan jirin wax gargaar ah oo ay helaan dadkaas.

Xabiibo Cadaan Jaandhaay waa gabar 23 jir ah oo ku nool magaalada Muqdisho waxayna ka mid tahay dadka ay saameynta ku yeesheen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalada sokeeye. Xabiibo ayaa iyadoo shan sano jir ah waxaa ku dhacay firir ka soo gaaray madaafiicda la isu adeegsanayay dagaalada sokeeye iyadoo ka dhaawacantay madaxa,surka iyo caloosha.

Hase yeeshee dhaawacyada ka soo gaaray Xabiibo hubka la isu adeegsanayay ayaa dhaliyey in muddo 17 sano ah saameyn ay ku yeeshaan maadaama dalka waxba loogaga qaban waayay dhaawaca soo gaaray.

Xabiibo ayaa waxa ay la nooshahay waalidkeed oo degen mid kamid ah xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho waxaana uu xanuunkeedu noqday mid joogta ah iyadoo firir ugaga dhacay madaxa uu noqday mid waxba loogaga qaban waayay dalka.


Dhaawaca ka soo gaaray madaxa gabadhan Soomaaliyeed ayaa haatan waxa uu u gudbay lugaha iyadoo dareemada lugaha ay haatan noqdeen mid sii dhimanaya isla markaana aysan awoodin inay kaligeed socoto.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa codsi u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka siiyaan sidii ay u heli lahayd dawo. “Runtii xanuunka i haya waxaa aan u isticmaalaa dawooyin aan iibsan karin isla markaana dhaqaatiirtu ay iigaga digeen inaan isticmaalo” ayay tiri Xabiibo ooindhaheedu ilmo ka qubanaysay.
“Marka uu xanuunku i qabto indhahayga biyo ayaa ka yimaada waana
miyirdoorsoomaa” ayay sii raacisey.

Ciddii dooneysa inay gargaar u fidiso gaar ahaan gabadhan Soomaaliyeed waxa ay kala xiriiri kartaa taleefanada kala ah;-061935712 ama 0615854742.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here