Gabar Ardayad ah oo maanta Muqdisho lagu dilay

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa maanta xaafada Xareryaale ee degmada Wardhiigleey, ku toogtay gabar ardayad ah oo waxkabarata Jaamacada Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 3 nin oo bistoolado ku hubeysan ay baabuur Bl ah oo ay gabadha saarneyd kasoo dagsadeen, dabadeedna ay ku amreen ineey furto indho shareerka kadibna ay rasaas farabadan la dhaceen, halkaasna ay ku geeriyootay.

Gabadhaan ayaa waxay baraneysay Cilmiga dhaqtarnimada, manajirin wax siyaasad ah ama arimo kale oo ay ku lug lahayd sida ay eheladeda iyo ardayda jaamacada la dhiganeysay xaqiijiyeen.

Kooxihii diiilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta soo gaaray Ciidamada doowlada, oo iyagu halkaas kabilaabay howlgalo.

Dilalka loo gaysto dadka rayidka ah ayaan Muqdisho ku aheen wax cusub, waxaana tan iyo markii Al-shabaab magaalada laga saaray kusoo badanayay qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah ee lala eegto dadka rayidka ah iyo amsuuliyiinta katirsan doowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here